Monday, June 2, 2025
HomeAll NewsBosnia iyo Hersek: Ma Waxay Noqon Doonaan Halka uu ka Dhaco Dagaalka...

Bosnia iyo Hersek: Ma Waxay Noqon Doonaan Halka uu ka Dhaco Dagaalka ka Qarxo Yurub.[WARBIXIN]

Haddii aad tahay ruux dhashay 1980-meeyadii ama ka hor, waxaa hubaal ah, in aad wax badan warbaahinta ka maqashay Bosniya iyo Hersek noloshaada waqti ka mid ah, gaar ahaan waagii uu dagaalladii dhiigga badani ku daatay ka holcayay dalkaas, xiligaas oo canaawiinta ugu horeeya ee akhbaarta lagu soo qaadan jiray dagaalkaas. Waxaa laga yaabaa inaad sidoo kale maqashay xasuuqii caanka ahaa ee Sirbiriiniitshaa, kaas oo ay geysteen ciidamada Serbiyiinta ee uu hogaamiyo Raatko Malaadiitish, kuwaas oo xasuuqay, in ka badan 8 kun oo Muslimiin reer Bosniya ah, oo ay ku jiraan carruur.

Si kastaba ha ahaatee, Soddon sano kadib, Bosniya kuma jirta safaxaadka akhbaarta sidii ay ahayd markii hore, dagaalkeedii sokeeye ee dhiigga badani ku daatayna isuma beddelin qiso guul iyo taariikh xanbaarsan. Waqti xaadirkan dhaqaalaha waddanku wuxuu weli ka mid yahay kan ugu liita Yurub, iyadoo shaqo la’aantu ay kor u dhaaftay boqolkiiba 16%, dhallinyarada baaga-muudada ah ayaa gaaraya boqolkiiba 30%. Halka Shaqaalihii xirfadda lahaana ay dalka isaga hulaalayaan, sida lagu sheegay tirokoobyo uu soo saaray waxa loogu yeero Bangiga Adduunka.

Sida laga soo xigtay urur ka hadlo arrimaha dibadda oo lagu magacaabo FAF, Bosniya waxaa ka jira musuqmaasuq baahsan. Boqolkiiba 81% dadka reer Bosniya ayaana kalsooni ku qabin garsoorka, halka boqolkiiba 71%  ay u arkaan dabaqadda siyaasadda mid musuqmaasuq ah. Isla ururkaan ayaa sidoo kale farta ku fiiqay, laaluushka joogtada ah ee ay qaataan garsoorka iyo fadeexadaha musuqmaasuqa maaliyadeed ee hareeyay dalka, iyadoo Bosniya ay ka gashay kaalinta 110-aad ee qiimaynta musuqmaasuqa caalamiga ah.

In kasta oo xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Bosniya aysan ahayn mid wanaagsan haddana waxay ugu yaraan dowladaasi ku guuleysatay inay ilaaliso amnigeeda, kadib dagaal aad u daran oo halakeeyay dalkan, kaas oo  loo tixgeliyey -ka hor inta uusan dillaacin dagaalka Ruushka iyo Yukrayn- inuu yahay kii ugu xumaa taariikhda Yurub tan iyo waxa loogu yeero dagaalkii labaad ee adduunka.

Heshiiskii Daytoon ee uu Maraykanku maalgaliyay bartamihii sagaashamaadkii ayaa soo afjaray dagaalkii Bosniya. Heshiisku waxa uu dhigayay, in Bosniya iyo Hersek ay noqdaan dowlad madax-bannaan, oo leh laba maamul oo madaxbannaan, tusaale ahaan, Serbiyiinta Bosniya waxaa uu siinayay hashiiskaas maamul ku fadhiya qiyaastii kala bar bedka guud ee dalka, halka Muslimiinta iyo qowmiyad lagu magacaabo Karwaat ay ku midoobeen gobol federaal ah oo ku fadhiya nuska kale ee soo haray, isla markaana Madaxtinimada Bosniya iyo Hersek oo dhan ay noqoto mid federaal  ah oo ka kooban gole madaxtooyo oo matalaya saddexda qaybood ee kala ah: Muslimiinta, Seerbiyiinta iyo qowmiyadda Karwaat.

Heshiiskan hagardaamada ah waxa kale oo uu dhigayay, in maamulada iyo hay’adaha dhexe ay go’aamiyaan siyaasadda arrimaha dibadda, ayna masuul ka yihiin ganacsiga caalamiga ah, bixinta iyo maaraynta adeegyada guud. Halka labada dhinacba la siiyay awood ballaaran oo ay ku maamulaan arrimaha gudaha ee gobolladooda. Saddexda xubnood ee golaha Madaxtooyada waxay isku bedali doonaan jagada madaxwaynaha laba xilli, oo midkiiba uu xilka haynayo siddeed bilood, taas oo wadar ahaan muddo xileedka guud ee madaxweynaha ka dhigayso afar sano. Si la mid ah madaxtooyadda, waxaa la isku raacay habab tafatiran oo lagu xaqiijinayo isu-dheelitirka qowmiyadaha marka la jooga ciidamada, baarlamaanka iyo garsoorka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Yurub

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.