Dadka ku nool degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa la nool dhibaatooyin kala duwan oo ka dhashay maamulxumo baahsan oo ka jirta magaalada.
Dhbaatooyinkan waxaa ugu horreeya isbaarooyinka isdaba joogga ah ee la dhiganayo gudaha magaalada iyo banaankeeda,
Sido kale maamulxumada ka jirta magaalada ayaa sababtay inuu xirmo isbitaalka degmada, taasoo culeys hor leh ku noqtay shacabkii horraanba dhibaatada dareemayay.
Qeybaha kala duwan ee bulshada oo ku nool magaalada, ayaa kulan isugu yimid waxayna cabasho ka muujiyeen dhibaatooyin kala dwuan ee haysta.
Maamulka ka jira degmada ee hoostaga kan la baxay Hirshabelle, ayey eedda koowaad ee arrimahan dhacay ujeediyeen, waana kuwa qaar kamid ah dadkii kulanka ka hadlay.