Tuesday, April 8, 2025
HomeAll NewsC/raxmaan C/Shakuur oo Sheegay in Dowladda Fedaraalka ay Boobeyso Dhul Horleh.

C/raxmaan C/Shakuur oo Sheegay in Dowladda Fedaraalka ay Boobeyso Dhul Horleh.

Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa waxa uu Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay iney xaraasheyso xarunta Villa Beydhab oo ah dhul dan guud ah.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay ku howlan tahay, iibinta gurigii uu magaalada Muqdisho ka degnaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Fedaraalka soona noqday Madaxweynihii hore ee maamulka la baxay Somaliland.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay sida looga aamusan yahay boobka ka dhanka ah hantida danta guud iyo midda gaarka loo leeyahay ee ay wado Dowladda Fedaraalka.

Haddii aan laga hortagin dhulboobka ayuu sidoo kale sheegay in ay xaaladdu gaari garto meel halis ah, islamarkaana uu dhulboobku saameyso guud ahaan dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Halkaan ka Degso Warka Dhulboobka

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.