Waxaa magaalada Hargeysa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka la baxay Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyo safiirka dowladda xabashida Itoobiya u fadhiyo magaaladaas.
Kulankaan ayaa waxaa Cirro Ku wehlinayay Wasiirka arimah dibada ee maamulkiisa , waxaana ay sheegeen in ay kawada hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin iskaashiga laba dhinac, iyo joogtaynta kulamada dhexdooda ah.