Wednesday, April 2, 2025
HomeAll NewsCabdi-Maalik Muuse Coldoon Muxuu Uga Baxay Magaaladiisii Burco?

Cabdi-Maalik Muuse Coldoon Muxuu Uga Baxay Magaaladiisii Burco?

Suxufiga ka shaqeeya samafalka dadka masaakiinta ah ee Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa isaga baxay magaaladii uu ku noolaa ee Burco kadib markii nafsaddiisu halis gashay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu isaga tagay magaalada Burco wuxuuna yiri “Waan ka tagey Burco. Xalay ayaan guure kaga baxay magaaladaydii Burco kaddib Markii aan ogaaday in la go’aamiyey in la i xidho. Hadda waxa aan ku suganahay meel aan ku dareemayo ammaan” sidaasi waxaa yiri Cabdimaalik Coldoon.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii uu aragti ka dhiibtay warbaahinta Al-jaziira, gaar ahaan wuxuu ka hadlay ololaha la doonayo in lagu soo barakiciyo muslimiinta Qaza, lana geeyo gobolada waqooyi, arrintaas oo uu maamulka Somaliland ku raadsanayo Ictiraaf.

Coldoon ayaa aragtidiisa uga soo horjeestay hadal uu wasiirka dibadda ee Somaliland kusoo dhaweeyay qixinta reer Qaza wuxuuna yiri: “Innagu waxaanu nahay Soomaali, wasiirkan nama matalo ee wuxuu matalaa xukuumad/maamul calooshiis u shaqeyste ah”

Hadalkaas dartiis ayay naftiisu halis u gashay, lamana oga hadda meel uu ku sugan yahay.

Halkaan ka Degso Warka Coldoon

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.