Wednesday, May 21, 2025
HomeAll NewsCabdilfataax Al-Burhaan oo Kaamil Idiriis u Magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Suudaan.

Cabdilfataax Al-Burhaan oo Kaamil Idiriis u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Suudaan.

Taliyaha ciidamada dalka Suudaan ahna madaxa golaha kumeelgaarka ah, Cabdalfataax Al-Burhaan, ayaa dawladdisa u magacaabay ra’iisul wasaare cusub, kaas oo horay ugu guuldaraystay tartan doorasho oo dalka Suudaan ka dhacay sanadkii 2010-ka, ninkan ayaa horay mas’uul ugasoo noqday hay’adaha waxa ay ugu yeeraan Qamada Midoobay, isaga oo agaasime guud kasoo noqday waxa loogu yeero hay’adda caalamiga ah ee hantida aqoonta, loonasoo gaabiyo WIPO.

Mas’uulkan cusub ee loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaranimada Suudaan ayaa lagu magacaabaa Kaamil Idiriis, kaas oo shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan. Idiriis wuxuu sidoo kale ku lahaa door muuqda siyaasadda dalka tan iyo markii uu u tartamay madaxtinimada sannadkii 2010-kii.

Magacaabistan ayaa imaaneysa, iyadoo dalka Suudaan uu wajahayo xaalad addag oo ka dhalatay dagaalada u dhaxeeyay ciidamada Suudaan ee ka amarr qaata Cabdilfataax Al-Burhaan iyo kuwa Taageeradda Degdegga ah ee hoos taga Xamdaan Dogllo, iska hor imaadyadan ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah dagaalada ugu dhimashada badan ee Afrika ka dhacay tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale, hogaamiyada ciidamada Suudaan ayaa qaaday talaabo kale oo lagu magacaabay labo qof oo dumar, kuwaas oo la sheegay inay qab ka yihiin golaha saree e dalka Suudaan, arrintan ayaa lagu fasiray in lagu doonayo muujinta furfurnaan siyaasadeed oo uu Cabdifataax Al-Burhaan uu kusoo jiito indhaha caalamka, si uu aqoonis diblumaasiyadeed uga halo dawladdaha reer galbeedka.

Dhanka kale, hogaamiyaha mucaaradka Xamdaan Dogllo ayaa isna dhawaan ku dhawaaqay dawladd cusub oo uu isagu hogaamiyo, taas oo barbar socota xukuumada Al-Burhaan, ku dhawaaqistan ayaa timi kaddib shir ay dhinacyada mucaaradku iskugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Keenya.

Dagaaladan culus ee ka socda dalka Suudaan ayaa dhawaan galay sanadkii sadexaad oo xiriir ah, kuwaas oo galaafatay nolosha in kabadan 20 kun oo u badan dad shacab ah, waxaa sidoo kale ku burburay kaabayaashii dhaqaalaha iyo xarumihii danta guud ee dalkaas, taas oo halakaysay nolosha Malaayiin muslimiin ah oo ku dhaqan dalka Suudaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.