Dowladda Federaalka ayaa soo rogtay tallaabo ay ku cadaadineyso ganacsiga xorta ah ee Soomaalida, iyadoo sheegtay in ganacsatada laga rabo iney qaab cusub isku diiwaan geliyaan.
Cabdifitaax Aadan oo ah afhayeenka Booliiska Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in ganacsatada la farayo iney qaataan warqadda loo yaqaano dembi la’aanta, taasoo la sheegay iney ka qaadanayaan CID-da.
Mashruucan ayaa ah weji horleh oo ay Dowladda Federaalka ku baadeyso ganacsatada Soomaaliyeed, sidoo kalena ku cadaadineyso ganacsiga xorta ah ee shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay si cad u sheegtay iney talo bixinta mashruucan ay wataan hay’ado Shisheeye.