Sunday, April 20, 2025
HomeWarka GudahaCali Balcad oo Adis Ababa Utegay Dardar-Gelinta Heshiiska Itoobiya Lagu Siinayo Badda...

Cali Balcad oo Adis Ababa Utegay Dardar-Gelinta Heshiiska Itoobiya Lagu Siinayo Badda Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedaraalka Cali Balcad ayaa safar ku tegay dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula kulmay wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, waxayna kawada hadleen sida la sheegay xiriirka ka dhaxeeya.

Kulanka Cali Balcad ayaa darran iney Dowladda Fedaraalku kala shaqeyso Itoobiya sidii ay ku qaadan lahayd badda Soomaaliya ee ay horay ugu saxiixday.

Safarka wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka waxaa ka horreeyay wafdi kasocda Ankra oo uu hogaaminayay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dowladda Turkiga, kaasoo isna Xabashida Itoobiya kala shaqeynayay sida ugu fudud ee ay uqaadan karto badda Soomaaliya.

Sababta Cali Balcad uu tegay Itoobiya ayaa falanqeeyayaasha siyaasaddu ku sheegayaan iney tahay in lasoo gaaray dowrkii Dowladda Fedaraalku ku lahayd qorshaha lagu siinayo Itoobiya baddeena, sidaasina uu wadankaasi ugu safray.

Heshiiskii xaaranta ahaa ee Itoobiya lagu siiyay baddeena, ayey Dowladda Fedaraalka tiro dhowr jeer ah utagtay wadamadda Turkiga iyo Itoobiya, si damaca Nasaarada Xabashidu ku taameyso udhaboobo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.