Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsCali Maxamed Geedi oo Khasaare Weyn ku Tilmaamay la Wareegitaanka Aadan Yabaal.

Cali Maxamed Geedi oo Khasaare Weyn ku Tilmaamay la Wareegitaanka Aadan Yabaal.

Cali Maxamed Geedi oo ah Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka, ayaa waxa uu ka hadlay guuldarooyinkii isdaba joogga ahaa ee Dowladda Fedaraalka ku gaarayay degmooyin iyo deegaanno katirsan gobalka Sh-dhexe.

Cali ayaa qoraal uu kusoo daabacay baraha uu Internetka ku leeyahay waxa uu ku muujiyay, sida uu uga xun yahay qabsashada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee degmada Aadan-Yabaal iyo deegaannada kale ee Sh-dhexe.

Waxa uu ceeb iyo khasaare weyn ku tilmaamay la wareegitaankii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee degmada Aadan-Yabaal oo ah magaalo istaraaatiiji ah.

Waxa uu isweydiiyay suaa’lo dhowr ah oo la xiriira guuldarooyinka is raacraacay ee Dowladda Fedaraalka ku gaaraya gobalka Sh-dhexe, isagoo walaac ka muujiyay awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dardarta dagaallada ay hadda ka wado gobalka Sh-dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh ayuu ugu baaqay inuu keeno istaraaaryiijiyad Siyaasadeed, mid Millatari iyo mid difaac intaba, taas oo ku wajahan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Hadalka Cali Maxamed Geedi ayaa kusoo aadaya, iyadoo madaxda Dowladda Fedaraalka ay aad uga caroodeen in awood millatari looga saaro degmada Aadan-Yabaal ee gobalka Sh-dhexe, waxaana tan iyo qabsashadii degmadaas kadib bannaanka usoo baxay walwalka heysta madaxda, saraakiisha iyo ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Cali Maxamed Geedi

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.