Dadka soogalootiga ama qaxootiga ah ayaa dalka Kanada u arkayey meel ay ka helayaan noolal ka wanaagsan midda ay ku jiraan, iyadoo qof kasta oo dhallinyaro ah ama qoys waliba oo aan ku qanacsanayn ku noolanshaha dalkiisa hooye uu ku taamayay, sidii uu mar un u caga dhigan lahaa ciidda waddankaas, iyagoo rumaysanaa, in fursado badan oo shaqo abuur ah laga helaya halkaas.
Balse taas cagsigeeda markii ay dadkii soo-galootiga ah gaareen Kanada, waxa soo foodsaaray xaqiiqo adag oo qalafsan oo hammigoodii iyo rajadoodi meesha ka saartay, taas oo ka dhalatay qalalaasaha ka jira dalkaas.
Sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah ee ay soo saartay hay’adda tira-koobka ee Kanada, in ka badan 106,134 qof ayaa si joogto ah dalka uga tagay sanadkii 2024-kii, taas oo ah tiradii ugu badnayd ee dadka soogalootiga ama qaxootiga ah ee isaga hayaamay dalkaas tan iyo sanadkii 1967-ka. Tirooyinkani waa calaamad muujinaysa ifafaalaha sii kordhaya ee ku saabsan dib uga qaxidda Kanada ama Hijra caksiyah, taas oo dadka wax indha-indheeya ay ku tilmaameen mid si toos ah uga turjumayso dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bulsho ee saameeyay awoodda iyo himilooyinka dadka cusub.
Maalik Cammaar, oo ah nin dhallinyaro ah oo kasoo jeeda waddanka Liibiya, ayaa gobalka Al-beerta ee waddanka Kanada gaaray sanadkii 2020-kii, isagoo watay shahaado ku saabsan barnaamijyada kombuyuutarrada, kuna haminayay inuu dhiso nolol cusub iyo mustaqbal wanaagsan, waxa uuna wiilkaas dhallinyarada ah maankiisa iyo maskaxdiisa ka suuraysanayay, inuu tagi doono waddan dhaqaale ahaan kobcay lagana helayo fursado badan oo shaqo. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay Maalik, in dhowrkii bilood ee ugu horreeyay uu indhaha saaray xaqiiqo gabi ahaanba ka duwan waxii lagu xayeysiinayay baraha bulshada.
Maalik, oo 30 jir ah, waxa uu shaqo kulaahaa Liibiya ka hor intii uusan Kanada u dhoofin, intii uu ku nolaa dalkiisa waxa uu ku hammin jiray, in uu u shaqeeyo shirkadaha Softaweerrada ee Kanada si uu xirfaddiisa sare ugu qaado. Markii uu gaaray Kanada, waxa uu bilaabay, in taariikh noolaleedkiisa ama siifiigiisa uu u diro daraasiin shirkado ah, laakiinse waxa uu isla markiiba ogaaday in suuqa shaqada ee Kanada uu u baahan yahay dad leh khibrad Kanadiyaan ah, marka lagu daro inuu ruuxa wato shahaado u dhiganta midda jaamacadaha, taas oo qaadan karto wakhti dheer iyo qarashaad fara badan.
Sidaa darteed, ma uusan haysanin Maalik khiyaar kale oo aan ka ahayn inuu qabto shaqooyin kala duwan oo aan ku habboonayn takhasuskiisa iyo himiladiisa. Waxa uu ka shaqayn jiray kawaannada hilibka, maqaayadaha, dhismaha guryaha, iyo xanaanada xoolaha ee beeraha, isaga oo saacaddiba qaadan jiray mushahar dhan 15 Doollar oo Kanadiyaan ah una dhiganto 11 Doollarka Mareykanka ah.
Maalik waxa uu waraysi ay la yeelatay warbaahinta uu ku sheegay, in uu shaqayn jiray 10 saacadood maalintii, dakhliga soo galayana uu ka badnaan waayay bixinta kirada guriga, biilasha kale iyo caymiska, taas oo ka dhigaysa inuu lacag kaydsado mid aan macquul ahayn.