Sunday, June 8, 2025
HomeAll NewsCanada oo ku Talo Jirto inay ku Biirto Hindisaha Difaaca ee Yurub...

Canada oo ku Talo Jirto inay ku Biirto Hindisaha Difaaca ee Yurub Xilli ay Khataro Kala Kulmayso Mareykanka.

Dalka Canada oo wajahayo hadaadyo iyo khatarroo lid ku ah jiritaankiisa, kuwaas oo kaga imaanaya dhanka dowladda Mareykanka ayaa markaani u muuqda inuu baadi goobaya dariiqii uu uga bixi lahaa ku tiirsanaanta Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha Kanada Maarka Kaarni ayaa muujiyay sida uu u rajaynayo, in dalkiisa uu ku biiro hindise difaaca-weyn ee reer Yurub, ee loogu magacdaray “dib u hubaynta Yurub” marka la gaaro 1-da bisha Luulyo ee soo socota, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu dhimo ku tiirsanaanta Mareykanka ee dhanka hubka iyo rasaasta.

“75 senti kasta oo lagu kharash gareeyo difaaceena waxa uu ku dhacaa khasnadda Maraykanka, taasi macquul maaha,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Canada mar uu waraysi siinayay warbaahinta dalkaas.

Kaarni  waxa uu sharraxay in wada-hadallada lala yeelanayo Midowga Yurub ee ku saabsan ku biirista hindisahan difaaca ah ay ka sameynayeen horumarro la taaban karo, isagoo muujiyay rabitaankiisa ah inuu hadafkaasi ka dhabeeyo 1 bisha Luulyo.

Hindisahan Yurub ee uu doonaya Ra’iisul wasaaraha Kanada inuu ku biiro ayaa qiimihiisa gaarayo illaa 800 oo Bilyan oo Yuurow ah. Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaana sheegay, in dadaalkan uu yahay mid lagama maarmaan u ah ka hortagga inuu Ruushka weeraro dal kale oo Yurub ah kadib Yukrayn.

Ra’iisul wasaaraha Kanada ayaa muujinay, in Canada ay kordhin doonto kharashaadka ay ku bixiso milatariga, si faa’iido u leh dalkiisa.

Madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa horaantii sanadkan dhowr jeer sheegay, rabitaankiisa ku aaddan in Kanada uu ku darsado dalkiisa ayna noqoto gobolka 51-aad ee Mareykanka, arinkaas oo dalkani ku abuuray qalqal iyo cabsi xooggan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.