Caruur ay qoysaskoodu ku barakaceen dagaal-beeleedyo ka socda xadka ay wadaagaan goballada Hiiraan iyo Sh-dhexe ayaa lagu la’yahay wabiga.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa markale deegaanno dhaca xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Sh-dhexe ka dhacay, dagaal-beeleed geystay khasaarooyin kala duwan.
Dagaalka ayaa sababay barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, kadib markii ay ku dul dagaallameen maleeshiyaadka hubeysan.
Illaa 4 caruur ah ayaa lasoo warinayaa in iyagoo ka baxsanaya rasaasta ay ku dhaceen wabiga, illaa iyo haddana aan nolol iyo geeri toona lagu heynin, sida uu sheegayo mid kamid ah dadka deegaanka.