Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsCaruur ku Dhimatay Doon Tahriib oo ku Degtay Badda Mediterranean-ka.

Caruur ku Dhimatay Doon Tahriib oo ku Degtay Badda Mediterranean-ka.

Doontan ayaa markii ay soo dhaqaaqeysay waxaa saarnaa 21 qof oo tahriibayaal waxayna degtay iyadoo mareysa gudaha badda Medetareeniyaanka ee udhaxeysa qaaradaha Yurub iyo Afrika, taasoo ay ka gudbaan tahriibayaasha doonaya iney galaan Yurub ee ka tegay Afrika.

Kadib markii ay degtay doontan waxaa ku dhintay 2 caruur ah halka 17 kale ay ka badbaadeen 2 ruuxna wali badda lagu la’yahay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Rueters.

Wakaaladda wararka ee Ansaa oo iyada laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa dhankeeda sheegtay in 3 ruux ay ku dhinteen badda halka 3 kalena la la’yahay 15 ay badbaadeen.

Macadda halka ay ka baxday doontan balse inta badan waxay dadka tahriibayaasha ah ka gudbaan xeebaha dalalka Tuunis iyo liibiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.