Friday, June 20, 2025
HomeUncategorizedCaruur Soomaali ah oo ku Dhimatay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka...

Caruur Soomaali ah oo ku Dhimatay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dab ka kacay dhisme ku yaalla xaafad katirsan magaalada Nairobi ee caasimadda dlka Kenya, kaas oo ay ku dhinteen caruur Soomaali ah.

Ugu yaraan 3 caruur ah ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen dabkaan, kuwaas oo ay da’doodu udhaxeyso 3 illaa iyo 5 sano, sida uu shaaciyay wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya, waxaana uu dabku ka dhacay dhisme dabaq ah oo ay daganaayeen dad Soomaali ah.

Dabka ayaa waxa uu ku kacay si lama filaaan ah, sida ay shaaciyeen Booliska xukuumadda Nairobi, kuwaas oo aan bixin tafaasiil dheeraad ah oo k u aaddan dabka, iyagoo intaa ku daray in caruurta dabka ku dhimatay ay ahaayeen walaalo iska dhlashay.

Sida ay ku waramayaan dad Soomaali ah oo ku sugan Kenya, dabka ayaa waxa uu ka dhashay Koronto, isagoona ka dhacay dhisme dabaq ah oo ay danagan yihiin qoys Soomaali ah, taas oo sababtay iney ku geeriyoodaan 3 caruur ah.

Caruurta dadbka ku dhimatay ayaa lasoo warinayaa iney albaabada ku xirmeen, halka hooyada qoyska iyo caruur ay dhashay laga soo tuuray dabaqa, sida ay soo warinayaa dad kasoo badbaaday dabkaan.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmo kahor dab k kacay xaafad katirsan magaalada Nairobi ay ku nafwaayeen 2 ruux, halka bishii May ee lasoo dhaafay ay 15 ruux ku dhinteen, dab ka kacay xaafado kala duwan oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Halkaan ka Degso Warka Dabka Nairobi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.