Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta hawlgal qorsheysan ka fuliyeen gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Hawlgalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay nawaaxiga deegaanka Mooro-Eri ee dhaca duleedka degmada Moqokori oo katirsan gobalka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkaan lagu dilay dilay 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaralka halka lagu dhaawacay 2 kale.
Dhanka kale waxaa inoo suuragashay inaan helno magacyada askarta la dilay iyo kuwa la dhaawacay waxayna kala yihiin:
Labada askari ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray:
1-Iidow Xasan Garaad
2-Muuse Cali Maxamed.
Sidoo kale askarta lagu dhaawacay halkaas ayaa waxay kala yihiin:
1-Muuse Cabdulle Qoobis.
2-Cilmi Cabdi Raage Geedow.
Maalmihii lasoo dhaafay waxay ciidanka Millateriga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sii labo jibaareen weerarada ka dhanka ah askarta Dowladda Fedaraalka, kuwaasoo ay kawadaan gobolka Hiiraan.