Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa howlgallo amniga lagu sugayo, dadkana lagu wacyigelinayo ka sameeyay, wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad.
Muuqaal baraha Internetka lasoo dhigay ayaa lagu arkayaa, ciidamo hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahihdiinta Al-Shabaab oo taagan deegaan dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad, halkaasina ku baaraya gawaarida.
Saraakiisha horkaceysa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la hadlay, dadweynaha safarka ah ee isticmaala wadada, waxaana muuqaalka ka muuqda xaalad degnaansho ah.
Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka sameeyeen, howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Halkaan ka Degso Xogta Muuqaalka
Audio Player