Iyadoo ay ciidamada Shisheeye ee duullaanka jooga dalka ay dhibaatooyin badan ka wadaan degmooyinka iyo deegaannada ay xoogga ku heystaan, ayaa waxaa deegaan katirsan gobalka Sh-dhexe laga soo sheegayaa iney tacaddiyaad ka wadaan halkaas.
Dadka ku dhaqan deegaanka Buurane ee Sh-dhexe ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, iney dhibaato ba’an ku qabaan ciidamada Shisheeye ee Burundi, kuwaas oo xayiraad kusoo rogay beeraleyda una diiday iney beerahooda fashaan xoolahoodana dhaqdaan.