Iyadoo waayadii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen ciidamada Dowladda Fedaraalka ee qeylo-dhaanta ka muujinaya dhibaatooyinka iyo niyad jabka ku heysta furimaha dagaalka, ayaa waxaa lasoo warinayaa in iminka ay billaabeen iney hubkooda iibsadaan.
Askartaan oo ay tiradoodu gaareyso gaareyso 11 askari ayaa waxaa lagu eedeeyay iney hubkooda iibsadeen islamarkaana ay faarujiyeen furimaha dagaalka.
Ciidamadaan oo maxkamad lasoo taagay ayaa waxaa lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah, sida ay ka dhawaajiyeen saraakiil katirsan Dowladda Fedaraalka.