Thursday, June 19, 2025
HomeAll NewsCiidamada Dowladda Fedaraalka oo 2 Wiil oo Dhalinyaro ah ku Dilay Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo 2 Wiil oo Dhalinyaro ah ku Dilay Muqdisho.

Maalintii shalay ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay siyaabo kala duwan dilal ugu geysteen 2 wiil oo dhalinyaro ah.

Ciidamada dilka geystay ayaa waxa ay ka kala tirsanaayeen Sirdoonka iyo Booliska Dowladda Fedaraalka, iyagoona si bareer ah u utoogtay dhalinyarada.

Dilka koowaad ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana geystay askari katirsan dharcadda Dowladda Fedaraalka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in askariga uu si bareer ah utoogtay wiilka dhalinyarada ah oo Mooto watay, intaasi kadibna uu goobta isaga baxsaday.

Dilka labaad ayaa waxa uu isana ka dhacay isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan oo katirsan magaalada Muqdisho.

Askari katirsan Booliska Dowladda Fedaraalka ayaa geystay dilkaan, waxa uu toogtay wiil dhalinayaro ah oo la socday Mooto nuuca labalugaaleyda ah.

Askariga ayaa ka carooday hoon uu yeeriyay darawalka waday mootada uu saarna wiilka la dilay, taas oo keentay in uu isla goobta ku geeriyooday.

Dhacdooyinkaan ayaa waxa ay bannaanka soo dhigayaan sida uu dhiigga raqiis uga yahay magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ugu dhiirran yihiin leynta dadka shacabka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii mid kamid ah wadaadaha ufatwooda Shisheeyaha kusoo duulay dalka iyo Dowladda Fedaraalka uu si cad u sheegay, in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay tahay dhibaato kusoo korortay bulshada, markii magaalada la maranaya ay xubnaha iyada katirsan yihiin kuwa dhibaatooyinka ugeysta dadka rayidka ah.

Halkaan ka Degso Warka Muqdisho

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.