Maalintii shalay ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay rasaas ku fureen gaari qaad siday oo marayay gudaha magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen rasaasta ay ciidanka ku fureen gaariga, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale.
Maamulka degmada Baardheere ee maamulka la baxay Jubbaland iyo Dowladda Fedaraalka ayaanan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin falkaan.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo magaalada ay wali ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland, kuwaas oo dhawaan ku dagaallamay magaalada.