Ciidamo ay isbaaro utiillay koontaroolka laga soo galo degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan ayaa waxa ay goordhaw toogteen, Sakariye Sheekh Cali oo kamid ahaa darawallada kaxeeya gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho illaa iyo goballada dhexe ee dalka.
Askarta ayaa toogtay wiilkaan dhalinyarada ah, kadib markii uu diiday inuu bixiyo lacag baad ah oo ay ka rabeen.