Deegaanka Galgalato ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maalintii shalay ciidamada Dowladda Fedaraalka si bareer ah halkaasi ugu dileen nin darawal ah oo lagu magacaabo Xuseen Yuusuf Deereed.
Ciidamada ayaa lacag baad ah ka rabay ninka darawalka ah, balse markii uu ka biyo diiday arrinkaas ayay toogteen, iyadoo xogaha qaar ay sheegayaan in darawalka loo dilay inuu si qasab ah ku qaato kaarka is diiwaan galinta doorashooyinka.
Mid kamid ah darawallada ka xeeya gaadiidka dadweynaha ayaa ka warramay qaabka loo dilay Xuseen Yuusuf.