Monday, June 30, 2025
HomeAll NewsCiidamada Dowladda Fedaraalka oo Qof Shacab ah ku Dilay Magaalada Moqokori.

Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo Qof Shacab ah ku Dilay Magaalada Moqokori.

Maalintii shalay waxaa magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka dhacday, israsaaseyn dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka.

Israsaaseyntan ayaa timid kadib markii ay uu labada ciidan soo kala dhexgalay, khilaaf la xiriira daminta shirkadaha isgaarsiinta ee ku yaalla halkaasi, maadaama ay halkaasi ka jiraan qalqal iyo casbi xooggan haysta askarta Dowladda Fedaraalka ee ku sugan magaalada, kadib markii maalintii shalay Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen degaanka Ceel-Qooxle oo kamid ah degaanada udhodhow Moqokori.

Rasaastii ay iswaydaarsanayeen labada ciidan, ayaa waxaa u dhintay nin shacab ah oo kamid ahaa ganacsatada Moqokori, waxaana sawirro laga faahfiyay baraha bulshada oo laga soo qaaday kadib dilkiisa la arkayay iyadoo ay xabadi uga taallo madaxa.

Halkaan ka Degso Warka Moqokori

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.