Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Garasbaalleey oo ku taalla duleedka Muqdisho ka dhacay, falal fool xun oo ay ku kaceen ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka.
Ciidankan ayaa si xoog ah ku geliyay guryaha dadka shacabka ah, iyagoo dadka rayadka ah jirdil iyo xadgudubyo kale kula kacayay, lacago baad ahna si xoog ah ku waydiinayay.
Qaar kamid ah shacabka Garasbaalleey oo ay ku jirto hooyo ay xadgudubyo kula kaceen ciidamadan, ayaa ka la hadlay warbaahinta, waxayna ka warbixiyeen sida ay wax ugaaren bulshada halkaasi ku nool.