Wararka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan xukuumadda Eritrea ay gudaha u galeen dalkaasi, waqti dhanka kale ay kor usii kaceyso xiisadda dagaal ee udhaxeysa labada dowaladood.
Masaafo dhan 10 KM ayaa la sheegay iney gudaha ugaleen ciidankan dalka Itoobiya, wararka ayaana intaasi ku daraya in halka ay soo galeen katirsan tahay gobolka Tigray oo ay horay ujoogeen askar ka socota dowladdan.