Maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay waxay askarta Faransiisku isaga baxeen, saldhiggii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen wadanka Tashaad, oo ay gumeysi ku joogeen muddo 60 sano ah.
Bixitaanka ciidamada faransiiska iyo la wareejinta saldhiggii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen wadanka Chad, ayaa waxaa ku dhawaaqay labada dowladood.
Hogaanka Ciidmada wadank Chad ayaa sheegay in wareejinta saldhigga Adiish Kuusii ee ku yaalla caasimadda wadanka Tashaad ay ka dhigan tahay, iney faransiiska ay uga dhamaatay joogitaanka dalkaasi.
Dowladda Faransiiska ayaa in muddo ah gumeysi ku haysatay dowlado dhaca qaradda Africa, hase ahaatee markan waxaa muuqata iney ka bedel qaateen oo ay ugacan haatinayaan Ruushka iyo dowlado kale.