Tuesday, July 15, 2025
HomeAll NewsCiidamada Itoobiya oo Dil iyo Dhac ka Geystay Deegaanno Katirsan Dhulka Soomaali-Galbeed.

Ciidamada Itoobiya oo Dil iyo Dhac ka Geystay Deegaanno Katirsan Dhulka Soomaali-Galbeed.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Itoobiya ayaa weerarro ku qaaday toolooyin hoostaga degmooyinka Mooyaale iyo Hudhet ee katirsan gobolka Daawa ee dhulka Soomaali-Galbeed.

Illaa lix ruux oo Soomaali ah oo ay 2 kamid ah askar tahay afarna yihiin dad shacab ah, ayey ku dileen tuulooyinka Malka-Cadde, Booji oo hoostaga degmada Hudhet, waxaana lagu dilay labada askari ee Soomaalid aha, halka tuulooyinka Raaro iyo Ceel-Goof oo hoostaga Mooyaale lagu dilay 4 qof oo rayad ah, kadib markii ay kusoo qaadeen weerarro is xigxiga.

Sido kale ciidamada Itoobiya ee weerarka ka geystay tuulooyinka hoostaga Mooyaale ayaa dhacay xoolo ubadan Geel oo ay halkaasi ka kaxeysteen askarta Itoobiyaanka ah.

Halkaan ka Degso Warka Soomaali-galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.