Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay fuliyeen weeraro isugu jira qarax iyo kuwa toos ah, kuwaas oo lala beegsaday ciidanka Xabashida Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah duullaanka ciidamada Shisheeye ay ku joogaan dalka.
Haddaan ku horreyno ciidanka Xabashida, waxa ay maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah ka fuliyeen gudaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday askar katirsan ciidanka Itoobiya oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabol, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ciidamada Xabashida Itoobiya looga dilay 2 askari, halka looga dhaawacay 5 kale.
Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, fariisin ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Dhamase oo katirsan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Sidoo kale Weerar ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin magaalada Milimaani ee gobalka Laamuu oo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ay gumeysato Kenya.