Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku waramaya, in ciidamada maamulka halkaas uga dhisan Xabashida ay jirdil xooggan u geysteen wiil dhalinyaro ah.
Daahir Faarax ayaa lagu magacaabaa wiilka dhalinyarada ah ee ay jirdileen ciidanka maamulka Xabashida ku daaban ee dhulka Soomaali-galbeed, waxaana uu xadgudubkaan si gaar ah uga dhacay degmada Shinniile ee ku hoos jirta gumeysiga Xabashida.
Qaar kamid ah ehellada wiilka dhalinyarada ah ayaa waxa ay sheegeen, in ciidanku ay jirdil xooggan u geysteen wiilkooda islamarkaana ay ilkaha ka tuureen.
Jirdilkaan ayaa daba socda wareysi uu maalmo kahor bixiyay Daahir Faarax, kaas oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka ay ciidamada maamulka Xabashida ku daaban ay ka wadaan dhulka Soomaali-galbeed.