Maalintii shalay waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh-dhexe ka dhacay, dhaawac ay ciidamo katirsan maamulka la baxay Hirshabeelle u geysteen qof shacab ah.
Ciidamada oo watay gaari Cabdi-Bile ah ayaa waxa ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa magaalada Jowhar ee gobalka Sh-dhexe.
Rasaasta oo ay ka ridayeen qori Dhashiike ah ayaa waxa ay sababtay dhaawaca nin lagu magacaabo Xaaji Xuseen oo kamid ahaa dadka ku nool magaalada Jowhar.
Nin la dhashay ruuxa la dhaawacay oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in dhaawaca walaalkiis loo qaaday Muqdisho.