Waxaa maalintii shalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ka dhacay, fal dil ah oo uu askari katirsan maamulka la baxay Puntland ugeystay qof shacab ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in askariga geystay dilka iyo ruuxa shacabka ah uu muran soo kala dhex galay, taas oo ugu dambeyn sababtay in askariga uu rasaas ku shannaqo qofka shacabka ah, iyadoona uu isla goobka ku geeriyooday.
Askariga geystay falkaan dilka ah ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoona illaa iyo hadda uusan maamulka la baxay Puntland ka hadlin dilka uu geystay askariga katirsan maamulkooda.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay saxaafadda usheegeen, in askariga dilka geystay uu si gaar ah uga tirsanaa ciidamada lacagaha baadda ah ka qaada dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta gobalka Mudug.
Ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ay Shisheeyuhu ka dhiseen dalka ayaa kawada siman daadinta dhiigga dadka shacabka ah iyo boobka hantidooda, mana jirto cid wax iska weydiineysa arrintaas, marka laga reebo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo marar badan weeraro ku qaaday, ciidamo ku howlanaa dhaca dadka shacabka ah.
Halkaan ka Degso Warka Faahfaafhinta iyo Sawirrada