Wararka ka imaanaya wuqooyiga Soomaaliya ayaa tilmaamaya, in ciidamada maamulka labaxay Soomaaliland ay xabsiga dhigeen wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah samafale dadka tabaaleysan gacan qabta.
Ciidamada Booliiska ayaa gacanta ku dhigay Cabdi Maalik Coldoon, xilli uu ku sugnaa magaalada Berbera, waxaana ay ula dhaqaaqeen goob aan la aqoonin.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa lagu daba joogay Coldoon, wuxuuna horey u sheegay inuu ka baxsaday magaaladii uu kasoo jeeday ee Burco, uuna ku suganyahay goob aamin ah.
Coldoon ayaa marka laga soo tago caawinta dadka tabaaleysan, waxaa uu caan ku ahaa inuu jeediyo hadallo kulul oo ka tarjumaya xaaladda Soomaaliya, isagoo aad u dhaliili jiray gumeysiga iyo dadka gacanta siinaya.