Monday, June 2, 2025
HomeAll NewsCiidamada Maamulka Soomaaliland oo Dil iyo Dhaawac ka Geystay Xabsiga Boorama.

Ciidamada Maamulka Soomaaliland oo Dil iyo Dhaawac ka Geystay Xabsiga Boorama.

Ciidamo katirsan maamulka la baxay Soomaaliland ayaa dil iyo dhaawac ugeystay qaar kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Boorame oo katirsan gobolka Awdal.

Subaxnimadii shalay waxaa magaalada Boorame gaar ahaan xabsiga dhexe ee ku yaalla magaaladaasi ka dhacay, dil iyo dhaawac ay geysteen askarta maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana ku dhintay mid kamid ah maxaabiista, halka sedax kalena ay ku dhaawacmeen.

Dilkan iyo dhaawaca ayaa yimid kadib markii ay ciidanka maamulka la baxay Soomaaliland rasaas ku fureen maxaabiista ku xiran xabsiga oo gadood sameeyay.

Maamulka gobolka Awdal ee hoostaga kan la baxay Soomaaliland oo ka hadlay dhacdadan, ayaa qirta iney iyagu dilka iyo dhaawaca ugeysteen maxaabiista.

Halkaan ka Degso Warka Xabsiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.