Iyadoo maalmo kahor gudoomiyaha gobalka Mudug ugu magacaabaan maamulka la baxay Puntland Feysal Sheekh Cali uu ciidamada PSF ee uu Mareykanku tababartay ku eedeeyay, iney ku biireen Dowladda Fedaraalka islamarkaana doonayaan iney qalqal amni ka abuuraan magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay ciidamada eedeynta loo jeediyay.
Saarkaal katirsan ciidanka daacadda u ah Mareykanka ee PSF ayaa waxa uu iska fogeeyay eedeynta kaga timid gudoomiyaha, isagoo ku eedeeyay inuu yahay nin masuuliyad darro sameynaya.