Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose ayaa ku waramaya, in ciidamada Shisheeye ee Uganda ay dad shacab ah ku dileen deegaanno dhaca duleedka degmada.
Ciidamada Uganda ayaa waxa ay si bareer ah udileen 3 qof oo beeraley ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaas.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo shalay ay Dowladda Uganda qiratay, in ugu yaraan 7 askari looga dilay camaliyad Nafhurnimo ah oo dhawaan ka dhacday duleedka degmada Afgooye, dilka ay maanta geysteen ciidanka ayaana umuuqda mid aargoosi ah.
Halkaan ka Degso Codka Ehellada Mid Kamid ah Dadka ay Dileen Ciidanka Uganda