Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa kordhiyay dhibaatooyinka ay geysanayaan duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay madaafiic ku garaaceen, deegaanno dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Habeen hore madaafiic ay ku garaaceen tuulo ku taalla duleedka degmada Afgooye ayay ciidamadu ku dileen 2 haween ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dumar ah.
Dadka ay beegsadeen waxaa kamid ah hal qoys oo dhameystiran, kuwaas oo ay guryaha ku dumiyeen, ayna dhac ugeysteen dadkaa rayidka ah sida uu sheegayo mid kamid ah dadka deegaanka.