Maalintii shalay ciidamada Suudaan ayaa ku dhawaaqay iney dib ula wareegeen mandiqadda Al-Xaaji Yuusuf oo ay dhacaan xaafadaha ugu badan ee magaalada Al-Khurduum.
Ciidanka Suudaan ayaa baahiyay muuqaal ay ku cadeynayaan iney iyagu halkaasi gacan ku hayaan, waxaana la arkayay iyagoo isku fidinaya xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay mandiqaddan.
Mandiqaddan oo waxaa horay gacanta ugu hayay malleeshiyaadka RSF kuwaasoo oo la sheegay iney dib ugurasho sameeyeen islamarkaana aadeen dhankaa iyo mandiqado kale oo dhaca Bariga An-Niil islamarkaana udhow buundada Al-Manshiyyah.
RSF ayaa maalmihii tegay la kulmayay guuldarrooyin isdaba jooga ah oo is xig xiga, waxaana lagala wareegay magaalooyin badan oo ay horay ugu sugnaayeen kooxdan.