Wednesday, April 16, 2025
HomeAll NewsCiidamada Ukraine oo Isaga baxay Gobolka Kursk ee Dalka Ruushka.

Ciidamada Ukraine oo Isaga baxay Gobolka Kursk ee Dalka Ruushka.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya ilo Millateri oo katirsan Ukraine, ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay isaga baxeen mandiqadda Kuursik ee dalka Ruushka oo ay in muddo ah ku sugnaayeen.

Askarta Ukraine ayaa tegay gobolkan kahor muddo haatan laga joogo 7 bilood, ugu dambeyna waxay isaga carareen maalintii shalay, mas’uuliyiin Ruushiyaan ah ayaana dhankooda sheegay in ciidankoodu shalay askarta Ukraine la galeen dagaal, si ay u eryadaan haraadiga ciidamada Ukraine ee ku sugnaa mandiqadda.

Dhanka kale iyadoo ay xaaladdaasi haysato xukuumadda Kyiv ayuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy xilkii ka casilay, taliyaha ciidankiisa wuxuuna magacaabay mid kale oo cusub.

Dib ula wareegitaanka Ruushka ee gobolka ayaa ka dhigan culeys iyo cadaadis hor leh oo kusoo kordhay Ukraine, waayo waxaa faraheeda ka baxay gacan ku haynta dhulka kaliya ee ay kula gorgortameysay xukuumadda Mooskoow, marka lasoo hadal qaado heshiis xabad joojin ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.