Warar la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada Dowladda Xabashida Itoobiya ay gobolka Siti oo katirsan dhulka Soomaali-Galbeedka ka geysteen, Afduub ay kula kaceen qaar kamid ah Xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool gobalkaas.
Muddo laga joogo 6 maalmood, ayaa waxay askarta Xabashida Itoobiya afduubteen 7 nin oo xoolo dhaqato Soomaali ah, kuwaas oo ay ku xireen magaalo kamid ah dhulka Soomaali-Galbeed ee ay xoogga ku qaateen dhowr iy toban sano kahor, iyagoona xoolo dhaqatada ugeystay jir dil iyo tacadiyaad kala duwan.
Waayahanba waxay ciidanka Itoobiya gobolka Siti kawadeen boob ay ugeysanayaan hantida Soomaalida ku nool gobolka, waxayna si gaar ah xoog ugu qaadanayeen xoolaha sida Ariga iyo Lo’da.
Tani ayaa muujineysa sida ay bulshada ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ugu kulantay gaboodfallada joogtada ah ee ay kala kulmayaan, ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa maamulka Mustafa Cagjar ee ku daaban Xabashida.
Halkaan ka Degso Warka Soomaali-galbeed