Kadib howlgallo ay ciidamada Xisbada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka sameeyeen degmada Salagle ee wilaayada Islaamiga ah ee Jubada-dhexe, ayaa waxa ay kusoo heleen waxyaabo dhacay oo lagu iibinayay suuqa magaalada.
Ciidanka Xisbada ayaa waxa ay goob fagaare ah ku gubeen raashin iyo dawooyin dhacay oo lagu iibinayay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ee Salagle, iyadoo odayaasha degmada ay si diirran usoo dhaweeyeen arrinkaan.