Gumeystaha Yahuudda ayaa xalay duqeymo ka fuliyay gobollo kala Duwan oo kamid ah wadanka Suuriya, waxayna dishay ku dhawaad 10 ruux halka ay dhaawacday qaar kale.
Duqeymahan oo ahaa kuwo aad ubadan ayaa waxaa magaalooyinka ay ka dhaceen kamid ah caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo lagu duqeeyay dhisme ku yaala xaafadda Masaakin-Barzah ee magaaladaasi.
Sido kale goobaha ay Yahuuddu duqeysay waxaa kamid ah magaalooyinka Xamaah iyo Ximis, duqeymaha ayaana si gaar ah ubeegsaday garoomo diyaaradeed oo halkaasi ku yaalla.
Dhanka kale, maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa weerar dhul iyo cir ah xalay ku qaaday gobolka Darca ee wadanka Suuriya, halkaasi oo ay dad shacab ah ku xasuuqeen.
Yahuudda ayaa gudaha ugalay deegaano kamid ah gobolka, iyagoo wata diyaarado iyo gaadiidka dagaalka, waxayna halkaasi ka geysteen duqeymo ku xasuuqeen ku dhawaad 10 ruux oo dad shacab ah.
In kastoo Yahuuddu marmar kala duwan duqeymi ka geystay wadanka Suuriya, hadane arrinta xusidda mudan ee xalay dhacday waxay tahay, in dadka degaanka markii ay arkeen duulaanka gardarrada ah ee ay kusoo qaadday Yahuudda lasoo baxeen hubkooda, waxayna kala hurtageen dagaal adag, iyagoo dhaawacyo gaarsiiyay qaar kamid ah Yahuuddii duulaanka ahayd.
Ciidanka Sahaayinada ee xalay ku duulay halkaasi iska caabintaasi kadib waxay ku qasbanaadeen iney dib ulaabtaan isla habeennimo, maadaama ay kusoo hugoobeen hadafkoodii.
Dhanka kale, duqeymo ka dhacay degaanada Xarash iyo Sad Al-Jubeyliyah oo ku yaalla baadiyaha galbeed ee gobolka Darca, waxaa shuhado iyo dhaawacyo ku noqday ugu yaraan 9 ruux, halka ay jiraan dad dhaawacyo qaba, in kastoo aan tiro rasmi ah laga hayn.