Dowladda Federaalka ayaa qaadeysa tallaabooyin horleh oo ka dhan ah maamulka labaxay Jubbaland, taasoo uu markale ku guuleystay hogaamintiisa Axmed Madoobe.
Ciidamo horleh oo katirsan booliiska sida milliteriga u tababaran ee Dowladda Federaalka, ayaa la geeyay Raaskambooni, kuwaasoo loo badinayo iney qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah maamulka Jubbaland.
Arintan ayaa sii kordhineysa khilaafka adag ee ka dhex aloosan Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, waxaana uu Axmed Madoobe ku goodiyay inaan dagaal waxba looga qaadi karin.