Askartan oo tiro ahaan gaaray illaa shan askari ayaa kasoo baxay safuufta ciidanka Dowladda Fedaraalka iyo kan maamulka la baxay Puntland, waxaana lagu soo bandhigay magaalada Buq’Aqble ee gobolka Hiiraan.
Ugu horreyn Cabdi Cilmi Cabdi iyo Maxamuud Abuukar Yuusuf oo ka kala tirsan ciidanka Dowladda Fedaraalka iyo malleeshiyaadka iyada taabacsan ee ku sugan Hiiraan, ayaa kawarramaya halkii ay ka hawlgaleyeen iyo waxyaabihii ay la kulmeen intii ay kamid haayeen ciidanka dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.