Dagaal udhaxeeyay ciidamada Maamullada la baxay Somaliland iyo SSC-Khatumo, ayaa shalay ka dhacay degaan katirsan gobolka Sool.
Dirirtan oo ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa si gaar ah kaga qaraxday degaanka Guumees ee gobolkaasi.
Xiisad ka dhalatay dagaalkan mar kale halkaasi dib uga billowday, ayaa wali ka taagan degaanka, waxaana suurgal ah iney mar kale isku dhacaan labada ciidan.