
Dagaalkan ayaa ahaa mid xooggan wuxuuna ka dhashay muran dhuleed, askarta ayaa adeegsanayay hub ay kamid yihiin qoryaha Dhashiikaha iyo PKM-ka, waxaana aad uga argagaxay rasaasta ay is dhaafsanayeen labada dhinac, dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada, gaar ahaan xaafadda uu dagaalku ka dhacay.
Askarta Dowladda Fedaraalka ayaa mar badan oo hore sidan oo kale ugu dagaallamay gobolka Banaadir iyo meelo kale oo ka baxsan.