Inkastoo maamulka gumeysiga Yahuudda uu aad ugu dadaalo qarinta khasaaraha iyo haziimooyinka is daba joogga ah ee ay ciidankiisu ku wajahayaan Marinka Qazza, ayaa waxaa taas badalkeeda xilliyada qaar dhacda in uu qarin waayo dhibaatadaas, iyadoo xubno isaga kamid ah ay bannaanka soo dhigaan xaqiiqada ay la nool yihiin.
Wargeyska ay Yahuuddu leeyihiin ee lagu magacaabo Haaretz ayaa waxa uu qoray, warbixin uu kusoo bandhigayo qisada 5 askari oo Yahuud ah, kuwaas oo kusoo jabay duullaanka ay Sahaayinadu ka wado Qazza, iyagoona ka sheekeeyay xaqiijooyin ay dhibsadeen dad badan oo Yahuud ah.
Halkaan ka Degso Warbixinta Ciidamada Yahuudda