Thursday, May 15, 2025
HomeAll NewsCiidanka Itoobiya oo Lagu Qarxiyay Waajid iyo Askarta Uganda oo Lagu Weeraray...

Ciidanka Itoobiya oo Lagu Qarxiyay Waajid iyo Askarta Uganda oo Lagu Weeraray Qoryooley.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaaab ayaa waxa ay habeenkii xalay iyo maanta fuliyeen, weeraro lagu beegsaday ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka.

Weeraradaan oo ahaa mid toos ah iyo qarax ayaa waxa ay ka kala dhaceen, degmooyin katirsan goballada Bakool iyo Sh-hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Haddaan ku horreyno gobalka Bakool, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay maanta weerar qarax ah la beegsadeen, askar katirsan kuwa Xabashida Itoobiya oo ku sugnaa mid kamid ah degmooyinka gobalkaas.

Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid, waxaana lala beegsaday ciidamada Itoobiya oo ku lugeynayay hallaas.

Sidoo kale habeenkii xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen, mid kamid ah xerooyinka ciidanka Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin gobalka Sh-hoose.

Weerarka ayaa lagu ekeeyay, xerada ay ciidanka Uganda ku leeyihiin degmada Qoryoole ee gobalka Sh-hoose, illaa iyo haddana ma aanan helin tafaasiil ku aaddan weerarkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.