Ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay gobalka Oromiya, iyadoo Abiy Axmed lagu eedeeyay inuu geysanayo xasuuqyo ka dhan ah bulshada.
Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ay ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya gaar ahaan kuwa maamulka Oromiya uu toogtay wiil dhalinyaro ah.
Ciidamada ayaa waxa ay isku keeneen ehelka wiilka iyagoona ku hortoogtay, waxaana ay baraha bulshada ku baahiyeen muuqaalka xilliga ay toogashada fulinayeen.
Jawaar Maxamed oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxa uu eedeyn culus u jeediyay, Abiy Axmed iyo maamulka Oromiya ee taabacsan xukuumadda.
Wqxa uu ku eedeeyay iney iyagu ka dambeeyaan xasuuqa iyo dhibaatada joogtada ah ee ka taagan dalka Itoobiya, si gaar ah tan loo geysanayo dadka rayidka ah.