Sunday, April 20, 2025
HomeUncategorizedCiidanka Shisheeye oo Lagu Eedeeyay Iney Xadgudubyo ka Geysteen Soomaaliya.

Ciidanka Shisheeye oo Lagu Eedeeyay Iney Xadgudubyo ka Geysteen Soomaaliya.[WARBIXIN]

Warbixin ay qortay hey’adda The New Humanitarian oo ah hey’ad warbaahineed oo diiradda saarta arrimaha xuquuql inaaska iyo waxyeellooyinka dagaallada, ayaa waxa ay kaga hadashay xadgudubyada ay ciidamada Shisheeye ka geystaan dalka Soomaaliya.

Sida ay daabacday The New Humanitarian, howlgalka cusub ee Shisheeyaha loona bixiyay AUSSOM oo wajahaya hubati la’aan dhaqaale, ayaa waxa uu gaboodfallada kala mid yahay kuwii isaga ka horreeyay ee markii ay fashilmeen magacyada laga badalay.

Xad-gudubyada ay warbixintu ku eedeeysay ciidamada Shisheeye ee mudada ku dhaw 20 sano ah duullaanka ku joogo dalka ayaa waxaa kamid ah dil, kufsi iyo duqaymo aan loo meel-dayin, kuwaas oo ay ku beegsadeen dad rayid ah.

“Xad-gudubyadan ayaa abuuray caro qoto dheer oo inta badan dadka Soomaaliyeed ay u qabaan ciidamada shisheeye” ayuu yiri Jethro Norman, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka daraasaadka caalamiga ah ee Danish-ka.

Sanadihii lasoo dhaafay ayay warbixintu sheegtay, in shacabka Soomaaliyeed ay la fajaceen dhowr kiis oo nuucaan ah, kuwaas oo ay ku kaceen ciidamada Shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka, iyadoo tusaale usoo qaadatay 2 ruux oo ay ciidamada Uganda sanad kahor ku gowraceen magaalada Buulomareer oo katirsan gobalka Sh-hoose.

The New Humanatarian oo horey loo oran jiray IRIN News isla markaana hoos-tegi jirtay waxa loogu yeero Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay sidoo kale soo hadal qaaday xasuuqii ay ciidamada Uganda u geysteen 6 qof oo shacab ah, kadib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen isla markaana ay dab qabadsiiyeen gaari ay la socdeen oo maraayay meel u dhow degmada Qoryooley ee gobalka Sh-hoose sanadkii 2016-kii.

Gabood-fallada iyo tacaddiyaadka ay ku kaceen ciidanka Uganda ee ay warbixintu daabacday waxaa sidoo kale kamid ah, 7 qof oo beeraley ah oo uu ku jiray oday waayeel ahaa oo deggaannadaasi si weyn looga ixtiraamo oo 2021-kii lagu xasuuqay deggaanka Golweyn ee isla gobolka Sh-hoose oo ay qeybo kamid ah duullaan kaga joogaan ciidanka Shisheeye.

Iyadoo sii socota ayay warbixintu tilmaamtay, in ciidanka Shisheeye ee Uganda falkaasi kadib qaab foolxumo badan ula dhaqmeen meydadka dadka ay dileen, kuwaas oo maydadkooda ay is kor saareen kadibna qarxiyeen, arrintaas oo noqotay mid aad looga xumaaday oo ay ka caroodeen dad badan.

Ku dhawaad 10 ruux oo a wareystay he’addaan ayaa waxa ay sheegeen, in ehelladooda dhintay ay ahaayeen dhibanayaal u geeriyooday dil iyo garaacis ay u geysteen ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku joogo Soomaaliya.

Hey’adda ayaa sidoo kale sheegtay, in dhammaan kiisaskii baaritaanka lagu sameeyey aanu jirin wax magdhow ah oo haba yaraatee la siiyay qoysaska dhibanayaasha ee ehelladoodii ay sida arxan-darrada ah u xasuuqeen ciidamada Shisheeye ee Midawga Afrika.

“AUSSOM waxay la mid tahay ATMIS iyo AMISOM. Magaca oo cusub mooyee, sida kale waa isku mid” ayuu yiri Cabdullaahi Saalax, oo sheegay in gaarigiisa la toogtay, lana xiray isaga iyo saddex nin oo kale, isla markaana ay jir-dileen askarta Midowga Afrika.

“Inta badan kiisaska xad-gudubyada ah ee ay geystaan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya waxay noqdeen kuwo aan lasoo sheegin oo aan sharci la hayn,” ayuu yiri Daahir Maxamed Cali oo ah abukaate ka tirsan waxa loogu yeero hey’adda qareennada Heegan ee magaalada Muqdisho.

Dadka Soomaaliyeed ayay warbixinta hey’adda sheegtay in ay ciidamada Shisheeye ka aaminsan yihiin, in dhammaantood ay yihiin aalad ay iska leeyihiin kuna adeegtaan dowladaha Reer-galbeedka ee gacanta ku haya duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.