Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed ee ay guemysato Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku waramaya, in ciidanka Itoobiya ay dil iyo dhac ka geysteen degmooyin kala duwan oo ku yaalla dhulkaas.
Tuulada Daamiri oo hoostagta degmada Tuli-Guuleed ayay ciidanka Xabashida Itoobiya ku dileen ugu yaraan 4 ruux oo shacab ah.
Dilkaan oo dhacay habeen hore ayaa waxa ay ciidanka Xabashidu dadka rayidka ah udileen si bareer ah, iyadoo aysan jirin cid illaa iyo hadda ka hadashay dilka ay geysteen ciidanka Itoobiya.
Dhanka gobalka Sitti oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida Itoobiya waxaa isana laga soo tabinayaa, in ciidanka Itoobiya gaar ahaan kuwa burcadda ah ee loo yaqaanno Finaas ay dhac u geysteen rag xoolo dhaqato ah.
Dadkaan oo xoolahooda iibsaday ayaa markii ay suuqa kasoo laabteen kadib waxaa wadada ugalay ciidanka Xabashida Itoobiya, iyagoona ka dhacay lacag ka badan 4 Milyan oo bir ah.
Ciidanka Xabashida ayaanan intaas ugu ekeyne waxa ay sidoo kale xabsiga dhigeen ragaan oo ay tiradoodu aheyd 6 dhalinyaro ah, waxaana markii ay ehelladu u dacdooween maamulka ay Xabashidu ka dhisatay gobalka Sitti uu u sheegay in aysan ka daba hadli karin dadka ay ka xeystaan ciidanka Itoobiya.
Dhanka degmada Shillaabo ee dhulka Soomaali-galbeed ayaa waxaa iyana laga soo tabinayaa in ciidanka Itoobiya ay tacaddiyaad ugeysanayaan dadka rayidka ah.
Habeennadii lasoo dhaafay waxa ay ciidanka Itoobiya degmadaasi ka raafeen, odayaal iyo dhalinyaro ku dhaqan magaalada Shillaabo, kuwaas oo ay ugeysteen jirdil iyo xadgudubyo kale.